Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo heegan ku jirta lagana cabsi qabo weerar argagixiso


London
London

Dowlada UK ayaa heerkii ugu sareeyey gaadhsiisay suurta-galnimada in weerar argagixiso ah ka dhaco Britain kadib qaraxii Axadii ka dhacay barxad kasoo hor jeeda Cusbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Liverpool oo ku taala Waqooyiga Galbeed ee Britain.

Wadaha baabuurka taxiga ah ee qarxay ayaa badbaadey laakiin qof rakaab ah oo sitey waxyaabaha qarxa ayaa ku dhintey.

Booliiska Britain ayaa sheegay in ay wali baarayaan ujeedada uu lahaa qofka qaraxa sitey laakiin waxay xaqiijiyeen in uu ahaa weerar argagixiso.

Wararkii ugu danbeeyey ee qaraxaas iyo digniinta cusub waxaa magaalada London kasoo diray weriyaha VOA Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Britain oo heegan ku jirta lagana cabsi qabo weerar argagixiso
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00








XS
SM
MD
LG