Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay cunnaqabateynta cusub ee uu Mareykanku saaray Eritrea?


Antony Blinken
Antony Blinken

Mareykanka ayaa Jimcihii cunnaqabateyn cusub saaray Eritrea, sababo la xiriira colaadda dhimashada badan keentay leh ee dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, halkaasi oo uu Mareykanku ka digay in colaaddu ay halis gelineyso “bur-bur” haddii aan laga gaarin heshiis.

“Ciidamada Eritrea ayaa ka howlgalay guud ahaan Ethiopia intii ay colaaddu socotay, waxaana ay mas’uul ka ahaayeen xasuuq, dhac iyo xadgudubyo dhanka jinsiga ah,” ayay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanku ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Cunnaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Ciidanka Difaaca Eretria iyo xisbi siyaasadeedka Madaxweyne Isaias Afwerki, Xisbiga Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale xubo kale oo ka tirsan dowladda.

Eritrea ayaa Sabtida maanta ah ku dhaleeceysay Mareykanka in uu cunnaqabateyn hor leh ku soo rogay dalkeeda, iyadoo tallaabadaasi ku tilmaantay “mid sharci darro iyo damiir xumo ah.”

Ciidamada Eretria iyo Ethiopia ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi wadareed ka geysteen gobolka Tigray, waxaana Washington ay marar badan ku boorrisay Asmara in ay ka baxdo Ethiopia, waxaana ka mid ahaa mar uu bishii May ergayga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu la kulmay madaxweyne Isaias Afwerki.

Eretria ayaa ciidamo taageera Abiy u dirtay Ethiopia, halkaasi oo sanad ka hor uu ka bilowday dagaal ka dhan ah kooxda TPLF ee mar dalkaasi soo maamushay.

Cunnaqabateyn Ethiopia iyo TPLF?

Ka hor safar uu toddobaadka soo socda ku tagayo saddex dal oo African ah, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay cunnaqabatayn ku soo rogi doonaan dowladda Ethiopia iyo fallaagada, haddii aysan wadahadal furin.

Fashilka in la gaaro heshiis “waxa uu horseedi doonaa bur-burka Ethiopia, iyo in ay u gudubto dalalka kale ee gobolka, taasina waxa ay dhibaato ku noqon doontaa dadka reer Ethiopia iyo sidoo kale kuwa gobolka,” ayuu Blinken u sheegay wariyeyaasha.

Blinken ayaa hadalkiisa sii raaciyay, “waddada kale waa in la joojiyo dhammaan howl-gallada ciidan ee hadda socda, loo fadhiisto si looga wada xaajoodo xabbad-joojin dhab ah, lana hubiyo in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro dhammaan gobollada ay dadku ku dhibaataysan yihiin.”

Maraykanka ayaa ku canbaareeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, colaadda dhiigga badani ku daatay ee muddada sanadka ah socota, taasi oo boqolaal kun oo qof gelisay xaalado u eg macluul.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uusan hadda cunnaqabateyn saari doonin xubnaha ka tirsan dowladda Ethiopia iyo TPLF si waqti loogu siiyo in ay horumar ka sameeyaan wadahadallada.

Waxa uu ka digay in Mareykanku uu labada dhinacba uu tallaabo ka qaadi doono haddii ay dadaallada diblumaasiyadeed fashilmaan.

AFP




XS
SM
MD
LG