Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo dalbatay laba arrin kahor wada-hadallada Mareykanka


Iran ayaa Isniintii dalbatay in dowladda Mareykanka ay siiso damaanad qaad la xiriira inaysan ka bixi doonin heshiiska Nukliyeerka 2015, haddii ay guuleystaan wada-hadallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska.

Wada-hadallo aan toos aheyn oo u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, oo hakad uu ku yimid bishii June kadib doorashadii madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, ayaa lagu wadaa inay 29-ka November dib uga billowdaan Vienna, si loo helo hab dib loogu dhaqan-gelin karo heshiiska.

Heshiiska ayaa baaba’ay 2018, markii madaxweynihii hore ee Iran Donald Trump uu ka baxay islamarkaana dib usoo rogay cunaqabateenadii laga qaaday Iran, taasi oo horseeday in Tehran ay jebiso xadidaaddii la saary kobcinta macdanteeda uranium-ka.

“Dowladda Mareykanka waa inay muujisaa inay awooddo inay damaanad qaado inaysan mar kale heshiiska ka bixi doonin, hadidi wada-hadallada dib loogu soo nooleynayo ay guuleystaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh oo shir jaraa’id qabtay.

Waxa uu sidoo kale dalbaday in Washington ay hanaan la xaqiijin karo ku qaado dhammaan cunaqabateenada ay saartay Iran, islamarkaana “ay qirato qaladkii ay heshiiska ku jebisay.”

Diblomaasi reer galbeed ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in haddii Iran ay dalbaneyso damaanad qaad iyo in laga qaado dhammaan xayiraadaha, aysan markaas dhab ka aheyn wada-hadallada.

Khatibzadeh ayaa sheegay in Ali Bagheri Kani, oo ah wada-xaajoodaha Nukliyeerka Iran, uu toddobaadkan u safri doono saddexda caasimadood ee dalalka Yurub ee qeybta ka ah heshiiska Nukliyeerka.

Reuters

XS
SM
MD
LG