Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Ethiopia oo qaboojiyey cabsida laga qabo waxa ka dhici kara Addis-Ababa


Getachew Reda
Getachew Reda

Mucaaradka dagaalka kula jira dowladda Ethiopia ayaa Axaddii hoos u dhigay wararka sheegaya inay sababi doonaan “dhiig ku daata” magaalada Addis Ababa haddii ay soo galaan, ama ay la kulmi doonaan shacaba cadow ku ah.

Dhowr dal ayaa ku booriyey muwaadiniintooda inay ka baxaan Ethiopia, islamarkaana dowladda Mareykanka ayaa la baxday diblomaasiyiinteeda, ayada oo uu sii xumaaday dagaalka sanadka ka socda waqooyiga dalkaas.

Dagaalyahanada TPLF iyo kooxda xulufada ay yihiin ee Oromada ee OLA ayaa toddobaadyadii tegay sheegtay inay qabsadeen dhowr magaalo, meeshana kama saarin inay u ruqaansan doonaan Addis Ababa.

Dowladda, oo beenisay in caasimadda ay halis ku jirto, ayaa si kastaba ku dhowaaqday xaalad deg deg ah, waxaana mas’uuliyiiinta deegaanada qaarkood ay shacabka weydiisteen inay difaacaan magaalada.

“Sheekada ku saabsan in dadweynaha Addis Ababa ay si xooggan nooga soo horjeedaan waa mid laga badbadiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda oo wareysi siiyey wakaaladda wararka AFP.

“Addis Ababa waa dheri. Dad dano kala duwan leh ayaa ku nool Addis. Sheegashada ah in Addis ay isku beddeli doonto meel dhiig ku daato haddii aan soo galno waa mid nacasnimo ah,” ayuu yiri.

Ayada oo mucaaradka ay u geli doonaan Addis Ababa inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa Getachew wuxuu sheegay in qabsashada caasimadda “aysan aheyn hadafkooda.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF, oo siyaasadda Ethiopia gacanta ku haysay ku dhowaad 30 sano, aysan damacsaneyn inay xukunka dib u qabsato.

TPLF ayaa xukunka ka tiirtay maamulkii Mengistu Haile Mariam 1991-kii, waxayna Ethiopia xukumeysay illaa 2018-kii markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed.

TPLF ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara, waxayna hadda caasimadda usoo jirtaa qiyaastii 325 km.

AFP

XS
SM
MD
LG