Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra’iisul Wasaaraha Iraq oo ka badbaaday isku day dil


Mustafa al-Kadhimi
Mustafa al-Kadhimi

Ra’iisul Wasaaraha Iraq Mustafa al-Kadhimi ayaa ka badbaaday isku day dil ayada oo diyaarado drone ah oo lagu soo xiray walxo qarxa ay beegsadeen gurgiisa, waxaana saraakiisha ay sheegeen inaanu waxba kasoo gaarin.

Weerarka ayaa ka dhigan inay kasii dartay xiisadda Iraq ka taagan ee ka dhalatay markii maleeshiyo Iran ay taageerto ay diideen inay aqbalaan natiijada doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaas ka dhacay bishii October.

Laba sarkaal oo Iraqi ah ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in toddoba ka mid ah ilaalada al-Kadhimi ay ku dhaawacmeen weerarka oo loo adeegsaday laba diyaarad oo drone ah, kuwaas oo lala beegsaday gurigiisa oo ku dhex-yaalla Aagga Cagaaran ee Baghdad.

“Aniga iyo dadkeygaba waan fiicannahay. Alxamdulillah,” ayuu ra’iisul wasaaraha ku yiri qoraal uu waxyar kadib weerarka soo dhigay twitter. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan oo ay isxakameeyaan.

Waxa uu goor dambe kasoo muuqda taleefishin ku yaalla Iraq, isaga oo ay deganaan ka muuqato.

“Weerarada drone-ka iyo gantaallada ee fuleynimada ah ma dhisaan dal mana dhisaan mustaqbal,” ayuu yiri.

Bayaan goor dambe kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay qaadayaan “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee la xiriira isku daygan fashilmay.”

Weli ma jirto cid sheegatay weerarka, oo yimid ayada oo ismari waa uu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka iyo maleeshiyo Iran ay taageerto oo taageerayaasheeda ay muddo bil ah dhooban yihiin banaanka Aagga Cagaaran.

Kooxdan oo lagu magacaabo Al-Hashd Al-Sha’bi ayaa diiday natiijada doorashada baarlamanka kadib markii ay lumiyeen saddex meelood laba meel kuraastooda baarlamanka, ayaga oo ku dooday in la khiyaameeyey.

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarka lala beegsaday ra’iisul wasaaraha Mustafa Al-Kadhimi.

AP

XS
SM
MD
LG