Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy oo ku Baaqay 'Naf-huris' lagu Badbaadinayo Ethiopia


Abiy Ahmed
Abiy Ahmed

Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Sabtida maanta ah sheegay in Ethiopia ay sameyso “naf-huris” lagu “badbaadinayo” dalka, iyadoo hadalkiisu imanayo xilli uu dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda kuwa fallaagada Tigray uu sii xoogeysanayo, halisna ku hayo caasimadda.

Hadalkan ayaa yimid maalin ka dib markii sagaal kooxood oo fallaago ah ay sheegeen in ay ku biirayaan oo ay isbahaysi la sameysanayaan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) oo muddo sannad ah dagaal kula jirtay xukuumadda Abiy.

Wakiilka TPLF Berhane Gebre-Christos ayaa Jimcihii mar uu magaalada Washington ku saxiixayay heshiiska sagaalka xisbi ee isbahaysigan ku midoobay waxa uu sheegay in isbahaysiga ujeedkiisu yahay “in meesha laga saaro taliska.”

“Waa in la sameeyaa naf-hurid, taasi oo badbaadin doonta Ethiopia,” ayuu Abiy ku qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxa aan wajahnay imtixaanno iyo caqabado kuwaasi oo innaga dhigay kuwii sii xoogeystay. Waxa aan leennahay xulufo ka badan kuwa dhabarka noo jeediyayay,” ayuu yiri.

Todobaadkii hore ayay kooxda TPLF sheegtay in ay qabsatay laba magaalo oo istiraatiji ah oo ku yaala gobolka Amhara, halkaas oo ciidankeedu ay weerareen ka dib markii ay bishii June dib ula wareegeen gacan ku heynta gobolkooda Tigray.

Arbacadiina, waxa ay sheegtay in ciidankeedu gaaray magaalada Kemissie ee gobolka Amhara, waxayna magaaladu 325 kiiloomitir dhanka waqooyi-bari ka xigtaa caasimadda.

TPLF ayaa intaas ku dartay in ay “howlgal wada jir ah” ay kula jirto Ciidanka Xoreynta Oromada, oo ah jabhad kale oo saadaalisay in Addis Ababa ay la wareegi karto toddobaadyo gudahood.

Dowladda, oo Talaadadii ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ay ku soo rogtay dalka oo dhan ah, ayaa beenisay in fallaagadu ay ku sii siqayaan ama halis ku hayaan caasimadda.

AFP

XS
SM
MD
LG