Ugu yaraan 91 qof ayaa ku dhintay caasimadda dalka Sierra Leone qarax ka dhashay booyad shidaal siday oo qaraxday ka dib markii ay shil gashay, sida ay Reuters ka soo xigatay mas’uuliyiinta dalkaasi.
Dowladda ayaan weli xaqiijin tirada dhimashada, balse maareeyaha xarunta qaabilsan meydadka ee magaalada caasimadda ah ee Freetown ayaa sheegay in qaraxa ka dib ay heleen 91 meyd ah oo ku dhintay qaraxa.
Dhibanayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa dad ku soo xoomay goota si ay u badbaadiyaan shidaal ka daadanayay booyadda ka dib markii ay dillaacday, sidaasina waxaa qoraal ay Facebook soo dhigtay ku sheegtay duqa magaalada, Yvonne Aki-Sawyerr.
Brima Bureh Sesay, madaxa hay’adda ka hortagga masiibooyinka qaranka ee dalkaasi ayaa muuqaal goobta lagu duubay ku sheegtay in ay jireen waxyeelo badan iyo meydad jirkoodu gubtay. “Waa shil aad iyo aad u xun,” ayay tiri.
Sawirro si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhowr qof oo si xun u gubtay oo daadsan waddooyinka iyadoo dabku uu ku fiday dukaamo iyo guryo u dhowaa goobta. Reuters ayaa warisay in aysan awoodin in ay xaqiijiso sawirrada.
Aki-Sawyerr ayaa muuqaallada iyo sawirrada ugu yeertay kuwo “naxdin leh.
Duqa magaalada ayaa sheegtay in aysan wali caddeyn xaddiga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo sheegtay in booliiska iyo ku-xigeenkeedu ay goobta tageen si ay u caawiyaan saraakiisha maareynta musiibooyinka.
REUTERS