Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Facebook oo tirtay qoraalka Abiy iyo wararkii ugu dambeeyey Ethiopia


Abiy Ahmed

Wakiilka gaarka ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, kadib markii jabhadda Tigraygu ee waqooyiga dalkaasi ay sheegeen inay u ruqaansadeen dhinaca caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan ururo dalal kale iyo caalami ah oo lagu weecinayo weerar lagu qaado caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dowladduna ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalka la geliyey.

Dhanka kale shirkadda Facebook ayaa tirtay qoraal uu soo dhigay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo loo arkay inuu hurinayo colaad iyo in dad la dilo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Ethiopia waxaa inoo haya Maxamed Colaad Xassan.

Facebook oo tirtay qoraalka Abiy iyo wararkii ugu dambeeyey Ethiopia
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:55 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG