Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo amartay inuu dalka ka baxo ku-xigeenka ergeyga Midowga Afrika


Simon Mulongo
Simon Mulongo

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo ka dhigtay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika waxay Simon Mulongo, oo u dhashay dalka Uganda, ku eedeysay “dhaq-dhaqaaqyo aan la jaanqaadi karin waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ma aysan faah-faahin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyadaas.

Qoraalka Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ayaa Guddiga Midowga Afrika ku wargeliyey in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddobada maalmood gudahood.

Qoraal kooban oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay wasiirka arrrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayuu ku sheegay in dowladda federaalka ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Amisom, gaar ahaan kuwa haya xilalka hoggaanka ee laga filayo inay ka foggaadaan wax wax u dhimi kara sharaftooda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee QM iyo Midowga Afrika.

XS
SM
MD
LG