Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo caddeeyey mowqifkooda ku aadan afgambiga Sudan


Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka, kadib afgambigii dalkaas ka dhacay toddobaadkii tegay.

Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneyso in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan.

“Waxaan ayideena walaaca beesha caalamka ee ku aadan xaaladda Sudan. Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo oo celiyo hay’adaha dowladeed ee rayidka,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay sii deysay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

“Waxaan ku baaqeynaa in lasii daayo dhammaan kuwa loo xiray dhacdooyinka dhowaan ka dhacay dalkaas, lana qaado xaaladda deg degga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Rabshadaha meelna ugama banaana Sudan-ta cusub, waxaan waqtigan boorineynaa wada-hadal wax ku ool ah oo dhex-mara dhammaan dhinacyada, waxaana ku baaqeynaa in la xaqiijiyo in nabadda iyo amniga shacabka Sudan ay noqoto muhiimadda koowaad.”

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ka maqan dalka Masar ee deriska la ah Sudan, kaasi oo uu hoggaamiye Cabdifataax Al-Sisi oo xukunka ku qabsaday afgambi militari.

Dowladda Mareykanka ayaa hogaamineysa cambaareynta ka dhanka ah afgamibigii dhacay 25-ka October, ee carqaladeeyey xaaladdii kala guurka aheyd ee Sudan ay ugu gudbeysay nidaam dimoqraadi ah, kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Al-Bashiir 2019-kii.

Washington ayaa si deg deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.”

XS
SM
MD
LG