Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Dimoqraadiga oo looga adkaaday doorashadii muhiimka aheyd ee Virginia


Glenn Youngkin
Glenn Youngkin

Glenn Youngkin oo Jamhuuri ah ayaa si lama filaan ah ugu guuleysatay doorashadii barasaabka gobolka Virginia, oo sanadihii dhowaa loo arkay gobol ay dimoqraadiga ku xoogan yihiin.

Guusha Youngkin oo 54 jir ah uu ka garaay musharaxii dimoqraadiga Terry McAuliffe ayaa tusmeysay isbeddel lama filaan ah oo ku yimid siyaasadda Virginia oo 10-kii sano ee tegay u janjeertay dhanka bidix, islamarkaana doorashadii 2020 uu madaxweynaha Biden ku adkaaday 10 dhibcood.

Sidoo kale, dimqoqraadiga ayaa halis ugu jira in looga adkaado doorashada gobolka New Jersey, halkaas oo barasaabka xilka haya Phil Murphy uu dhibco yar ka dambeeya musharaxa Jamhuuriga Jack Ciattarelli.

New Jersey ayaa ah gobol dimoqraadi ah oo Biden uu doorashadii 2020 kaga adkaaday Trump dhibco dhan 15.

Doorashooyinkan ayaa ahaa tijaabadii ugu horreysay ee muujineysa dareenka codbixiyayaasha ee ku aadan maamulka Biden oo 10 biloood xafiiska jooga, waxayna soo jeedisay niyadjab laga qabo maamulkiisa.

Natiijooyinka ayaa sidoo kale tusmeynaya suurta-galnimada guul-darrooyin culus oo kusoo wajahan dimoqraadiga marka la gaaro November 2022, xilligaas oo ay dhaceyso doorashada Congress-ka oo ay isku dayayaan inay aqlabiyaddiisa sii haystaan.

Jamhuuriga ayaa iyagana ku sugan xaalad dabaal-deg oo weyn.

“Tani waa ruuxda Virginia ay isugu timid si aan horey loo arag,” ayuu yiri Youngkin oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Chantilly oo 25-mile u jirta caasimadda dalka Washington DC.

Youngkin ayaa ah nin ganacsade milyaneer h oo siyaasadda ku cusub, halka Terry McAuliffe uu horey barasaaab uga soo noqday gobolka Virginia 2014 illaa 2018.

AP

XS
SM
MD
LG