War Deg-Deg ah

Mucaaradka Ethiopia oo guulo sheegtay iyo Abiy oo baaq diray

Abiy Ahmed
Abiy Ahmed

Laba jabhadood oo mucaarad ah oo dagaal kula jira dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa Axaddii sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyin.

Dhinaca kalena, ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka dalbaday muwaadiniintu in ay hubka qaataan, oo ay dalka ka difaacaan kooxahan.

Dagaalka sii baahaya ayaa halis gelinaya xasilloonida dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, oo mar loo arki jiray dal deggan oo xulufo la ah reer galbeedka kuna yaalla gobol aan xasillooneyn.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa noo haya warbixin ay wakaaladda wararka Reuters ka qortay colaadda Itoobiya.

Mucaaradka Ethiopia oo guulo sheegtay iyo Abiy Ahmed oo baaq diray

No media source currently available



XS
SM
MD
LG