Isku xirrada

War Deg-Deg ah

TPLF oo sheegatay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie


Dessie town, Amhara Region, Ethiopia
Dessie town, Amhara Region, Ethiopia

Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Amhara ee dalkaasi Ethiopia.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo wakaaladda wararka ee Reuters kula hadlay telfoon satellite ah ayaa sheegay in ciidankoodu uu kuwa dowladda ka saaray magaalada Dessie ayna ku sii wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Waxa uu sheegay in ciidanka TPLF uu gacanta ku dhigay askar ka tirsan ciidamada Ethiopia.

Afhayeenka dowladda Ethiopia, Legesse Tulu, ayaan ka jawaabin codsi ah in uu sheegashada TPLF ka hadlo.

Agaasime iskuul ku yaalla Dessie ayaa Reuters ka soo xigatay in uu arkay ciidamada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah, waxayna u bexeen dhanka magaalada Kombolcha, isagoo sheegay in korontadu ay magaalada ka go’an tahay ilaa Jimcihii.

Qof dadka magaalada ka mid ah oo magaciisa ku soo koobay Amir ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in ciidamada Ethiopia ay saaka waabarigii ka bexeen magaalada.

Goobjooge kale oo isna magaciisa ku sheegay Mohammed ayaa isna u sheegay AFP in ciidamada TPLF ay magaalada soo galeen.

Haddii la xaqiijiyo, la wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan gobolka Amhara.

Magaaladan ayaa ilaa 385 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, waana magaaladii ugu xaggeysa dhanka koonfureed ee gobolka Amhara ee TPLF ay gaarto tan iyo markii ay gulufkan ku bilowday gobolkan bishii July.

REUTERS + AFP

XS
SM
MD
LG