Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Faransiiska oo xireysa toddoba Masaajid


Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay xireyso toddoba Masaajid iyo ururo kale oo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka.

Paris ayaa la sheegay inay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xireyso inkasta oo ururada Muslimiinta Faransiisku ku macneeyeen inay tani qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ee dowladda madaxweyne Macron.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian ayaa sheegay in Masaajid ku yaala magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xidhay iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada, waxa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidka.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxa magaalada London kasoo diray wariyaheena Cabdixafid Cawil Ismaaciil.

Dowladda Faransiiska oo xireysa toddoba Masaajid
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00




XS
SM
MD
LG