Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo ku hanjabay inuu eryi doono safiirada 10 dal oo Reer Galbeed ah


Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey.

Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin.

“Waxaan u sheegay wasiirkeena arrimaha dibedda inaan u heli karin qanacsanaan aan ugu marti-gelino dalkeena,” ayuu ku yiri Erdogan hadal ay kasoo xigteen warbaahinta Turkey.

Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.”

Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga careysan yahay hadalka safiirada isaga oo weriyayaasha la hadlay xilli uu saarnaa diyaarad kasoo celisay safar uu ku tegay Afrika.

"Ma ku jiraa xadkaaga inaad cashar noocaas oo kale u dhigto Turkey? Yaad tahay adiga?," ayuu yiri Erdogan oo hadalkiisa uu baahiyey taleefishinka NTV.

Xiisaddan cusub ayaa mugdi gelineysa kulanka la qrosheeyey ee dalalka G20 oo toddobaadka soo socda ka dhacaya Roma, halkaasi oo Erdogan uu filayo inuu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Labada mas’uul ayaa leh xiriir aan wanaagsaneyn marka loo eegaa kii adkaa ee Erdogan iyo Trump.

Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2.

Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.

AFP

XS
SM
MD
LG