Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad afduubatay muwaadiniin Mareykan u badan oo dalbatay $17 milyan


Mid ka mid ah burcadda Haiti oo gadaal laga sawiray
Mid ka mid ah burcadda Haiti oo gadaal laga sawiray

Koox burcad ah oo dhawaan dalka Haiti ku afduubtay koox wadaaddo masiixiyiin ah oo kasoo jeeda dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa dalbaday in la siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa 17 milyan oo dollar.

Wasiirka Caddaaladda Haiti, Liszt Quitel ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ay socdaan wadahallo ay saraakiisha dowladda la leeyihiin kooxda burcadda ah ee dhamaadki todobaadki tagay magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince ka afduubatay 17-ka wadaad ee faafinayay diinta masiixiga.

Sida uu wasiirkan xaqiijiyay, kooxdan burcadda ah oo isku magacawday 400 Mawozo ayaa dalbatay in qofkiiba laga siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa hal milyan oo dollar.

Wargeyska Wall Street Journal iyo telefishanka CNN ayaa labaduba xaqiijiyay lacagaha ay dalbadeen burcadda.

XS
SM
MD
LG