Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xog cusub oo laga bixiyey Soomaaliga loo qabtay dilka xildhibaan Amess


Warbaahinta Britain ayaa tebinaysay in nin muwaadin Britain u dhashay balse asal ahaan kaoso jeeda Soomaaliya, laguna magacaabo Cali Xarbi Cali loo qabtay tuhun Xildhibaan David Amess.

Xildhibaan David Amess oo 38 sano kamid ahaa baaralamanka Britain, ayaa Jimcihii lagu dilay mindi, isaga oo ku sugan deegaanka laga soo doorto ee Essex.

Hogaamiyayaasha Soomaalida ee dalka Britain iyo ku dhowaad 30 urur oo Soomaalidu ay ku bahaysan yihiin ayaa uga tacsiyeeyay qoyska Xildhibaanka geerida naxdinta leh oo loogu gaystay xarun uu kula kulmi jiray dadka deegaanka laga soo doortay.

Haddaba wariayaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrintan ka waraystay Haashim Ducaale oo kamid ah hogaamiyayaasha Soomaalida oo ku sugan magaalada Leicester.

Xog laga bixiyey Soomaaliga loo qabtay dilka xildhibaan David Amess
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00


XS
SM
MD
LG