Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Myanmar ma ka qeyb gali doontaa shir-madaxeedka ASIAN?

Diblomaasiyiinta ugu sareeya waddamada qaaradda Asia ayaa kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan Jimcaha maanta ah kaga doodi doona in loo ogolaado in kulanka uu ka qeyb galo hogaamiyaha militariga ee xukuma dalka Myanmar. Hogaamiyahan ayaa xilka ka tuuray Aung San Suu Kyi oo la doortay.
Ururka Midowga Umadaha Koonfurta Asia oo loo soo gaabiyo ASIAN ayaa bishii August u magacaabay wasiir kuxigeenka dalka Brunei Erywan Yusof inuu noqdo ergeyga dhex dhexaadinaya hogaamiyeyaasha Myanmar. Hase yeeshee, waxa uu degdeg ah u baajiyey socdaalkiisii, ka dib markii hogaamiyeyaasha militarigu ay u sheegeen in aanu la kulmi doonin Suu Kyi iyo dadka kale ee uu doonayey inuu la kulmo.
Saraakiisha Myanmar ayaa sheegay in Erywan aanu la kulmi karin Suu Kyi, eedaha dambiilenimo ee loo haysto dartood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Malyasia Saifuddin Abdullah ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in lagu wargaliyey in Erywan laga yaabo in Isniinta soo socota uu Myanmar booqdo, ka hor shir madaxeedka dalalka ASIAN ee qabsoomi doona 26-28ka bishan.

XS
SM
MD
LG