Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo Mareykanka ka codsatay inuu xayiraadda ka qaado hantida Afghanistan


Wasiirka arrimaha dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi
Wasiirka arrimaha dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa ku boorriyay Mareykanka Sabtidii in uu fasaxo kaydka bangiga dhexe ee Afghanistan, intii uu socday kulan ay la qaadanayeen wafdi Mareykan ah oo ku sugan wahadahallada ka socda dalka Qatar.

Wadahadlkan Mareykanka iyo Taalibaan ayaa ah kii ugu horreeyey oo fool-ka-fool ah tan iyo markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay talada dalka, kadib bixitaankii Mareykanka ee dabayaaqadii bishii Ogosto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi, oo hoggaaminaya dhinacooda wadahadallada labada maalmood ah ee ka socda caasimadda dalka Qatar ee Doha, ayaa sheegay in wafdiga Mareykanka ee fadhigii furitaanka shirkan ay ballan-qaadeen inay sii wadidoonaan gargaarka bani’aadamnimo ee dalkiisa, ayna sidoo kale dadka reer Afghanistan siindoonaan tallaalka coronavirus.

Farriin maqal ah oo Taalibaan ay la wadaagtay suxufiyiinta, ayuu Muttaqi ku sheegay inay ka wadahadleen "billowga waa cusub" oo u dhexeeya labada dhinac oo iska soo horjeeday muddadii ku dhawaad 20-ka sano ee Mareykanku uu haystay Afghanistan.

“Baahida loo qabo in si isku mid ah loo abuuro xiriir wanaagsan ayaa wadahadalkan lagu xoojinayaa. Waxaan carrabka ku adkeynay baahida loo qabo in la sii daayo hantida maaliyadeed ee Afghanistan kadib duruufo adag oo soo wajahay Afghanistan, ”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi.

Washington ayaa xannibtay balaayiin doollar oo ah hantida Afghanistan, taas oo inteeda badan ay ku jirto keydka federaalka Mareykanka, tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay talada Afghanistan.

Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sidoo kale hor-istaagay gargaarkii horumarineed, iyaga oo u sababeeyay walaacyada xuquuqda aadanaha ee xukunka Taaalibaan.

Bixitaanka ciidammada uu hoggaaminayay Mareykanka iyo deeq-bixiyeyaal badan oo caalami ah ayaa Afghanistan ka jaray deeqihii maalgelinayay 75% kharashaadka dadweynaha, sida uu sheegay Bangiga Adduunka, taas oo caqabad ku noqotay maamulka Taalibaan inay bixiyaan mushaarka shaqaalaha dowladda.

XS
SM
MD
LG