Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doha: Wadahadallo toos ah oo u furmaya Mareykanka iyo Taliban


Saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa wadahadal toos ah la yeelanaya Sabtida maanta ah wakiillada Taalibaan ee haya talada dalka Afghanistan markii ugu horreysay tan iyo markii Mareykanku ka baxay dalkaas.

Saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wafdi Mareykan ah ay Sabtida iyo Axadda kula kulmi doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar wakiilo sare oo ka tirsan Taalibaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo markii hore werisay wadahadalladan, ayaa sheegtay in wafdiga Mareykanka ay ka mid noqon doonaan saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda, hay'adda USAID iyo bahda sirdoonka Mareykanka.

Suhail Shaheen, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa VOA u xaqiijiyay in hoggaamiyayaashoodu ay Mareykanka Doha kula kulmi doonaan Sabtida iyo Axadda.

Shaheen wuxuu fadhigiisu yahay magaalada Doha, waana wakiilka kooxda Taalibaan ee Qaramada Midoobay.

Jimicii, ayay Taalibaan ku dhawaaqay in Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Amir Khan Muttaqi, oo ay weheliyaan dhowr sarkaal oo sare ay ka dhoofeen Kabul, iyaga oo ku soo jeeda Doha.


Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talibaan oo la yiraahdo Cabdul Qahar Balkhi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray "Wafdigu wuxuu kala hadli doonaa madaxda Qadar iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalal kale xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka hadda jira."


Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo fool-ka-fool ah oo heerkiisu sarreeyo tan iyo markii Maraykanku ciidamadiisa kala baxay Afghanistan dabayaaqadii bishii Ogosto isla markaana Taalibaan ay qabsatay dalka Afghanistan.

XS
SM
MD
LG