Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Itoobiya ka dalbatay caddeymo la xiriira eedeynta saraakiishii ay cayrisay


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay dowladda Itoobiya Arbacadii inay tahay inay tusto wax caddeyn ah oo ay heyso, si loo xaqiijiyo eedeymaha la xiriira cayrada toddobo sarkaal oo sarsare oo ka tirsanaa laamaha gargaarka bini'aadannimo ee Qaramada Midoobay.

Antonio Guterres oo qaatay hadalka shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii safiirka Itoobiya uu eedeymo u soo jeediyay shaqaalahooda, oo ay ka mid tahay inay 1 milyan ay ku dareen tirada dadka u baahan gargaarka, ayna sheegeen dhimasho aan weligeed dhicin, waa sida uu hadallka u dhigay safiirka Itoobiya.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku weydiiyo hal arrin, Mudane Danjire, haddii uu jiro dukumeenti qoran oo ay dowladda Itoobiya siisay hay’ad kasta oo Qaramada Midoobay ah oo ku saabsan mid kasta oo ka mid ah (toddobada) xubnood ee Qaramada Miboobay ee la eryay, waxaan jeclaan lahaa inaan helo nuqul ka mid ah dukumintigaas, maxaa yeelay ogaal uma lihi mid kasta oo ka mid ah dukumintiyadaas, aad bayna ii anfici laheyd.” ayuu yiri Guterres, isagoo si toos ah ula hadlayay wakiilka Itoobiya ee Qaramada Midoobay Taye Atske Selassie, oo fadhiyay miiska Golaha Ammaanka.

Guterres oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu laba jeer u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in haddii uu ka walaacsan yahay dhexdhexaadnimo la’aan shaqaalaha Qaramada Midoobay, inuu si toos ah isaga ula soo xiriiro, si uu u baaro, wuxuuna sheegay in ilaa hadda wax jawaab ah oo la xiriirta codsigiisa inuusan ka helin Abiy Axmed.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabada Addis Ababa ee masaafurinta mas’uuliyiinta Qaramada Middoobay ay xadgudub ku tahay shuruucda caalamiga ah, wuxuuna sheegay shaqaalaha Qaramada Midoobay ay heystaan xasaanadda ilaalisa.

“Waa waajib isaaran inaan difaaco sharafta Qaramada Midoobay,” ayuu ku jawaabay Guterres oo shirka Golaha Ammaanka kadib warbaahinta la hadlayay.

Ethiopia ayaa ku eedeeysay saraakiishan, in ay faragelin ku hayeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, isla markaana ay mucaawinooyin iyo qalab is-gaarsiineed u gudbiyeeen Jabhadda Xoreynta Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF), taas oo ay dowladda federaalka dagaal kula jirto tan iyo dhamaadka sannadi hore.

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii xaqiijisay in saraakiisheedu ay ka baxeen Itoobiya.

XS
SM
MD
LG