Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka dalka Angola oo ku midoobay hal musharrax


Saddex xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah oo ka jira dalka Angola ayaa ku dhawaaqay madal cusub ama isbahaysi oo ay hal musharax kula tartamayaan madaxweynaha talada haya ee Joao Lourenco iyo xisbigiisa Popular Movement for the Liberation of Angola (MPLA).

Xisbiga MPLA ayaa Angola xukumayay tan iyo markii ay xorriyadda qaatay.

Madashan cusub oo la yiraahdo United Patriotic Front (FPU), ayaa musharrax ahaan u doortay Adalberto Costa Junior oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee UNITA.

Mario Paiva oo ah suxufi ruug-caddaa ah oo u dhashay dalka Angola ayaa sheegay in maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ay sheegtay inaysan aqoonsanayn Shirweynihii ugu dambeeyay ee xisbiga UNITA oo Adalberto loogu doortay hoggaamiyaha xisbigiisa, wuxuuna weriyaha VOA-da James Butty u sheegay in go'aanka maxkamadda uu dhaliyay shaki laga qabo in dowladdu ay isku dayeyso inay caqabad kale ku abuurto xisbiga ugu weyn mucaaradka Angola.

"Isbaheysigan wuxuu taageero xooggan ka heystaa dadka ku nool bartamaha iyo koofurta Angola oo ay ku jirto caasimaddu" ayuu yiri Mario Paiva.

Doorashada Angola ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo bisha August ee sanadka 2022.

XS
SM
MD
LG