Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo lagu eedeeyay inay si aargudasho ah u dileen dad Shiico ah


Kooxda caalamiga ee u doodda xuquuqda ah ee Amnesty ayaa ku eedeysay Taalibaan inay si sharci darro ah u dileen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara 30-kii bishii Ogosto, kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta dalka ay dagaalladu ragaadiyeen ee Afghanistan.

Dhibanneyaashan waxaa ka mid ahaa 11 askari oo hore uga tirsanaa xukuumaddii Afghanistan ee la eriyay iyo laba qof oo rayid ah oo ay ku jirtay gabar 17-jir ah, sida ay Amnesty International ku sheegtay warbixin cusub oo ay faafisay Talaadadii.

Dilalkan ka baxsan sharciga ayaa ka dhacay tuulada Kahor oo ka tirsan degmada Khidir ee bartamaha gobolka Daykundi, sida lagu sheegay warbixinta, iyadoo la soo xigtay marqaatiyaal goobjoog ahaa.

Amnesty ayaa xaqiijisay sawirro iyo caddeymo muuqaal ah oo la qaaday kaddib dilalkan, iyaga oo Taalibaan ka dalbanaya in falalka aargudashada ah ay joojiyaan.

"Xukunnadan dilka ah ee naxariis darrada ah ayaa caddeyn u ah in Taalibaan ay geysanayaan tacaddiyadii foosha xumaa ee ay caanka ku ahaayeen intii ay ka talinayeen Afghanistan, ”ayuu xoghayaha guud ee Amnesty International Agnes Callamard ku yiri warbixintan.

VOA ayaa xiriir la sameysay Taalibaan, si uu uga jawaabto warbixinta Amnesty, laakiin markiiba kama aysan jawaabin codsiga VOA-da.

Hazaras, oo Muslimiin Shiica ah , ayaa 9% ka ah dadka Afghanistan oo ah 36 milyan, taas oo sida Amnesty ay sheegtay ka dhigaysa bartilmaameed ku nool dal Sunni u badan.

XS
SM
MD
LG