Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu yahay hadalka ka careysiiyay Algeria ee kasoo yeeray Macron?


Algeria ayaa Sabtidii diiday "faragelin aan la aqbali karin" oo ku saabsan arrimaheeda, saacado kadib markii ay Paris uga yeertay safiirkeedii kadib hadallo kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay warisay warbaahinta Faransiiska iyo tan Algeria.

Wargeyska maalinlaha ah ee Faransiiska ee Le Monde ayaa qoray in Macron uu hadallo xasaasi ah ka sheegay gumeystihii hore ee Faransiiska intii uu socday kulan uu khamiistii la yeeshay farac ka mid ah dadkii kasoo qeyb qaatay dagaalkii gobonimo u dirirka.

Macron ayaa la sheegay inuu sheegay in Algeria lagu xukumayay “nidaam siyaasadeed iyo mid milateri” isagoo ku tilmaamay Algeria inay leedahay “taariikh rasmi ah” oo “gebi ahaanba dib loo qoray,” sida uu qoray wargeyska Le Monde.

Wuxuu yiri taariikhdan "kuma saleysna runta" laakiin "waxay ku saabsan tahay hadal nacayb ah oo ku wajahan Faransiiska", sida laga soo xigtay Le Monde - in kasta oo uu si cad u sheegay inuusan ula jeedin guud ahaan bulshada Algeria ee uu ula jeeday dadka talada haya.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Algeria ayaa lagu yiri: “Kadib hadallo aan la dafirin, oo ilo badan oo Faransiis ah ay magac ahaan u nisbeeyeen (Macron), Algeria waxay muujineysaa diidmadeeda gaarka ah ee faragelinta aan la oggolaan karin ee arrimaheeda gudaha"

Macron ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasadda Algeria ee hadda jirta, isagoo ku tilmaamay in dhigiisa Abdelmajid Tebboune uu 'ku xanibanyahay nidaam aad u adag,"

"Waxaad arki kartaa in nidaamka Algeria uu daalay, waxaa daciifiyay kacdoonkii Hirak," ayuu raaciyay, isaga oo tixraacaya dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyadda ee ku khasbay madaxweynihii ka horreeyay Tebboune, Abdelaziz Bouteflika inuu xukunka ka dago 2019, kadib 20 sano oo uu hoggaanka hayay.

Waa markii labaad ee Algeria u yeerato safiiakeeda, waxaana dhinaca kale ay tallaabadan timid iyada oo ay jirto xiisad ka dhalatay go’aankii Faransiiska ee sida weyn hoos ugu dhigay tirada fiisooyinka ay siiso muwaadiniinta Algeria, Morocco iyo Tunisia.

XS
SM
MD
LG