Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo la kulantay cambaareyn caalami ah kadib cayrintii shaqaalaha QM


Dowladda Itoobiya ayaa la kulmeysa dhaleeceyn kadib go’aankii ay ku cayrisay toddoba sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha dalkeeda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay uu ka digay in boqolaal kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray laga yaabo in lagu qasbo macluul maadaama dowladda Itoobiya ay xanibtay gargaarkii la siin lahaa meelaha ay dhibaatadu saameysay.

Hay’adda Refugees International ayaa sheegtay in cayrinta shaqaalaha Qaramada Midoobay ay abuuri doonto firaaq si weyn u saameyn doona dadaallada beesha caalamku ay gacan uga geysanayaan fududeynta waxa ay ku sheegtay dhibaatada bani’aadamnimo ee sii kordheysa.

Ururka caalamiga ah ee Refugees International ayaa sidoo kale ugu baaqaya xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cadaadis ku saaraan dowladda Itoobiya inay joojiso xayiraadda gargaarka.

Harding Lang, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Caalamiga ah ee Qaxootiga, ayaa u sheegay weriyaha VOA-da Peter Clottey in cayrinta saraakiisha Qaramada Midoobey ee xilligan oo ay jirto dhibaato bani’aadamnimo ay xaaladda ka sii dari doonto.

"Go'aanka ay qaadatay dowladda Itoobiya waaa mid aad walaac u leh, waayo, cayrinta madaxa hey'adda carruurta ee UNICEF iyo inta badan shaqaalaha xafiiska isku -duwaha xaaladaha degdegga ah waxay xireysaa jidkii gargaarka bani'aadamnimo" ayuu yiri Harding Lang.

Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si adag u cambaareeyay go'aanka dowladda Itoobiya ay dalkeeda uga saareyso saraakiisha Qaramada Midoobay, iyadoo dhinaca kale ay xukuumadda Adis Ababa ku adkeysaneyso go'aankeeda.

"Maraykanku wuxuu ku baaqayaa in go'aankan la noqdo. Kama labalabeyn doonno inaan si adag uga jawaabno tallaabadan" ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken.

XS
SM
MD
LG