Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Filim ay sameeyeen jilaayaal Soomaali ah oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah


Filimka The Gravedigger's Wife oo la macno ah 'xaaska xabaal qodaha' oo ay sameeyeen jilaayaal Soomaali ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee magaalada Toronto ee dalka Canada ee Toronto International Film Festival (TIFF).

Waxaa lagu wadaa in bishan gudeheed filimkan lagu soo bandhigo BFI London Film Festival, Chicago International Film Festival iyo Pan-African Film and Television Festival, kuwaasoo ka kala dhici doona magaalooyinka London Chicago iyo magaalada Ouagadougou ee caasimadda dalka Burkina Faso.

Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa magaalada Toronto kula kulmay Cumar Cabdi Nuux oo ah jilaaga filimka, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa uu ku saabsan yahay filimka.

Filim ay dhigeen jilaayaal Soomaali ah oo ku guuleystay abaal marin caalami ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00


XS
SM
MD
LG