Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Yurub oo hakiyay wadahadalladii ganacsiga ee Australia


Midowga Yurub ayaa hakiyay muddo aan la cayimin wadahadallo qorsheysnaa oo ay la yeelan lahaayeen dalka Australia, waxaana arrintan imaneysaa kadib go’aankiii ay Australia kaga noqotay hishiis Faransiisku ugu sameyn lahaa maraakiibta gujisyada ah ee marta biyaha hoostooda.

Miriam Garcia Ferrer oo ah afhayeenka Guddida Midowga Yurub u qaabilsan gannacsiga ayaa go’aankan shaacisey Jimcihii shalay, laakiin wax faahfaahin ah kama ay bixin sababta, waxaana midowga Yurub ay wadaxaajood Gannacsiga Xorta ah la billaabeen Australia sannadkii 2018kii.

Warbixin amuurtan ku saabsan waxa magaalada London inooga soo direy Wariyaha VOA-da Abdihafid Awil Ismail.

Midowga Yurub oo hakiyay wadahadalladii ganacsiga ee Australia
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00


XS
SM
MD
LG