Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Faransiiska oo ugu baaqay Yurub inay ka madaxbannaanto Mareykanka


Madaxweyne Biden iyo Macron
Madaxweyne Biden iyo Macron

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Yurub ay tahay inay ka madaxbannaanaato Mareykanka, waxaana baaqa Macron uu daba socdaa caradii Faransiiska ee heshiiska dhexmaray Mareykanka iyo Australia ee la xiriiray gujisyada mara badda hoosteeda.

Toddobaadkii hore, mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa muujiyeen caro kadib markii Mareykanku 'albaabka dambe ka soo galay' wax ay ku sheegeen inay tahay qorsha amniga ee isbahaysi loo yaqaan AUKUS oo ka kooban dalalka Australia, UK iyo Mareykanka.

Heshiiska ay wada galeen saddexdan waddan ayaa khasaare balaayiin dollar ah u geysanaya shirkadda Naval Group oo ay leedahay wasaaradda Gaashaan-dhigga Fransiiska, taas oo markii hore isku diyaarinesay inay Australia u dhisto maraakiibtaas.

"Wakhti dheer ayuu Madaxweyne Macron ku cel-celinayay in Yurub ee ka madaxbannaanato amni ahaan Mareykanka, heshiskan AUKUS wuxuu ka dhiganayaa fursad" ayay tiri Catherine Field oo ah wariye iyo falanqeeye fadhigeedu yahay magaalada Paris, oo khadla telefoonka ugu warrameysay wariyaha VOA-da Jackson Mvunganyi.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ku howlan sidii ay u hagaajin lahaayeen xiriirkooda, kaas oo uu qeyb ka ahaayeen wicitaan talefoon oo dhex maray Madaxweyne Biden iyo Madaxweyne Macron, shir-doceed ku dhexmaray shiraka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo xiriirro diblomaasiyadeed oo u furmay labada dal.

XS
SM
MD
LG