LONDON —
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddamada reer Galbeedka iyo Waqooyiga America, waxaa kusoo badanaya dhalinyarada Soomaalida ah ee iyagu is dila ama ku baxa gacmo kooxo kale.
Waxa dhibaatadaas soo raaca in mudooyinkan danbe ay soo badanayaan caruurta laga qaado waalidiinta.
Wadamada Norway iyo Sweden ayaa arrintaasi aad ugu soo badanayaa, waxaana iminka ku cusub iyada oo caruur leh baahiyaha gaarka ah laga qaatay qoysas degan dalka Sweden oo Soomaali ah.
Hodan Toosh waxay ka shaqaysaa arrimaha bulshada. Wariyaha VOAda Abdihafid Awil Ismail ayey uga warantey carruur qaadashadan kusoo badatay dalka Sweden, waxaanu marka hore weydiiyay sababaha ugu weyn ee caruurta qoysaska Soomaalida looga qaado.