Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee looga falceliyey guusha xisbiga SPD ee doorashadii Jarmalka?


Olaf Scholz, hogaamiyaha Social Democratic Party (SPD)
Olaf Scholz, hogaamiyaha Social Democratic Party (SPD)

Dalalka Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka qabsoontay wadanka Jarmalka, taasi oo lagu dooranayey ra’iisul wasaare beddelaya Angela Merkel oo 16 sano haysay xilkaas.

Faransiiska ayaa codeynta ku tilmaamay guul usoo hoyatey xasiloonida, halka Ra’iisal Wasaarha Spain uu saadaaliyey xidhiidh dhow oo ay la yeelan doonaan xisbiga doorashada helay ee Social Democrats-ka ee xiga dhinaca bidixda.

Xisbiga SPD ayaa la filayaa in ay dowlad wadaag la dhisaan laba xisbi oo kale laakiin bilo ayey qaadan doontaa wadaxaajoodkoodu.

Dalka Jarmalka oo ah lafdhabarta Midowga Yurub iyo siiqada siyaasada caalamka, maxay guusha xisbigani ka dhigan tahay, maxay kaga duwanaan karaan dowlad wadaagtii hore.

Warbxin gaar ah oo amuurahaasi ku saabsan waxa magaalada London kasoo direy wariyaheena Cabdixaafid Caawil Ismaaciil.

Sidee looga falceliyey guusha xisbiga SPD ee doorashadii Jarmalka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:52 0:00



XS
SM
MD
LG