Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo meydadka dad ay dileen ku soo bandhigay meel fagaare ah


Kooxda Taalibaan ayaa meydadka dad ay dileen soo suray wiish la soo dhigay barxadda magaalada Herat ee dalka Afghanistan, halkaas oo boqolaal dad ah ay daawadeen falkan naxdinta lahaa, taas oo sidoo kale muujineysa inay soo celiyeen xukunkii araxan darrada ahaa.

Saraakiisha Taalibaan ayaa markii hore afar mayd keenay barxadda magaalada galbeedka ah ee Herat, kadibna saddex ka mid ah meydadkaas u wareejiyay qeybaha kale ee magaalada si loogu soo bandhigo dadweynaha, sida uu sheegay Wazir Ahmad Seddiqi, oo ah maamulaha farmashiye ku yaal barxadda magaalada.

Saraakiisha Taalibaan ayaa ku dhawaaqay in afartan qof la qabtay iyagoo ka qeyb qaadanaya falal afduub ah horraantii Sabtida waxaana dilay booliska Taalibaan sida uu sheegay Seddiqi.

Ziaulhaq Jalali, oo ah taliyaha booliiska degmada Herat oo ay Taalibaan magacoowday ayaa markii dambe sheegay in xubnaha Taalibaan ay soo badbaadiyeen aabbe iyo wiil ay af-duubteen afartan nin ee la dilay, kadib ay rasaas is-weydaarseen.

Waxa uu sheegay in dagaalyahan Taalibaan ka tirsan iyo qof rayid ah ay dhaawaceen kooxaha wax afduubtay.

Muuqaal ay baahisay walaaladda wararka ee AP ayaa muujinayay dad badan oo isugu soo baxay fagaaraha magaaladaas oo daawanayay meydka, iyadoo qaarkood ay ku cel-celinayeen erayo ay ku taageerayeen Taalibaan.

"Ujeeddada tallaabadan ayaa ah inaan u sheegno dhammaan dambiileyaasha in aysan badbaadi doonin," ayuu taliye ka tirsan Taalibaan oo qariyay magaciisa u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

XS
SM
MD
LG