Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika oo ku wajahan Suudaan maalmo kadib afgambigii fashilmay


Jeffrey Feltman, bidix, iyo wasiirka arrimaha dibada Suudaan Maryam al-Sadiq al-Mahdi

Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa booqan doona dalka Suudaan toddobaadka soo socda, si uu u xaqiijiyo taageerada Mareykanka ee dowladda dalkaas maalmo kadib markii mas'uuliyiinta Suudaan ay sheegeen inay ka hortageen isku day afgambi, sida uu sheegay Aqalka Cad Jimcihii.

Wadahadal khadka telefoonka ay ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyo la-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan kadib ayaa bayaan ka soo baxay Aqalka Cad lagu yiri, "Wuxuu Sullivan muujiyay sida ay uga go’an tahay maamulka Biden inay taageeraan dowladda ay hoggaaminayaan xunaha rayidka ah, si ay u horseedaan dimuqraadiyadda Suudaan, ayna ka soo horjeestan iskuday kasta oo lagu carqaladeynayo ama lagu leexinayo rabitaanka dadka Suudaan."

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa qortay in mas'uuliyiinta Suudaan ay sheegeen inay fashiliyeen iskuday afgambi Talaadadii, iyagoo ku eedeeyay dadkii ka dambeeyay afgambigan inay daacada u ahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir, ayna ku guul-darreysteen iskudaygii ay ku doonayeen inay kaga leexiyaan kacaankii xukunka ka tuuray sannadkii 2019-kii, una horseeday marxaladda nidaamka dimuqraadiyada ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii dambe cambaareysay afgambigan, waxay ku celiyeen taageeridda ay u hayaan dowladda ku-meelgaarka ah ee Suudaan.

XS
SM
MD
LG