Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo Shuruud ku xirtay wadahadallada Koofurta


朝鲜领导人金正恩的胞妹金与正(路透社2019年3月2日)
朝鲜领导人金正恩的胞妹金与正(路透社2019年3月2日)

Gabadha saameynta leh ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa shuruud ku xirtay wadahallo ay dowladdeeda dib ula bilowdo Kuuriyada Koofureed.

Kim Jong Un walaashiis Kim Yo Jong, waxay sheegtay in ay Peyongyang ay diyaar u tahay dib u amba-qaadiadda wadahadallada Kuuriyada Koofureed, balse ku xirtay shuraad ah, in makra hore ay xukuumadda Seoul ay ku cadaadiso Mareyanka inuu ka khafiidiyo cunaqabateynta dhaqaale.


Bayaan kasoo baxay Kim Yo Jong ayaa yimid, maalmo kaddib marrki ay Kuuriyada Waqooyi tijaabiyay gantaalkeedi ugu horreeyay muddo lix bilood ah, kaasoo ay khubarradu ku tilmaameen in ay uga gol-laheyd in ay ku muujiso sida ay uga go’antahay in ay sii horumariso barnaamijkeeda niyukleerka haddii aanan laga qaadin cunaqabeynta saran.


Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed President Moon Jae-in ayaa todobaadkaan khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha Golaha Guud ee QM ku baaqay nabad ka islaaxda gacanka jaziiradda shabbaha ee Kuuriya.

XS
SM
MD
LG