Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar dhimasho badan oo maanta ka dhacay Ruushka


Nin hubeysan ayaa maanta rasaas ku furay xarunta jaamacad ku taalla dlaka Ruushka, isaga oo dilay ugu yaraan sideed qof, sida ay sheegeen dambi-baarayaasha.

Waa toogashadii labaad oo arday lagu beegsado oo sanadkan ka dhacda dalkaas.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad daaqadaha jaamacadda oo ku taalla magaalada Perm kasoo tuuraya agabyadooda kahor inta aanay kasoo boodin.

Guddiga baara dambiyada waa weyn, ayaa sheegay in sidoo kale dhowr qof oo kale lagu dhaawacay weerarka jaamacadda Perm State National Research University, islamarkaana ninka weerarka fuliyey oo arday ka ah jaamacadda la dhaawacay, lana xiray.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalka muujinaya qofka weeraka fuliyey oo xiran dhar madow iyo koofida adag ee lagu kaxeeyo mootooyinka, islamarkaana sita qori isaga oo dhex socda jaamacadda.

Bayaan ayaa baahiyeen wakaaladaha wararka Ruushka, ayaa wasaaradda caafimaadka waxay ku sheegtay in la daweeyey 24 qof, oo ay ku jiraan 19 ku dhaawacmay xabado.

Toogashooyinka ka dhaca iskuullada ayaa naadir ka ah Ruushka, sababo la xiriira amniga jaamacadaha aad loo adkeeyo, iyo inay adag tahay in si sharci ah loo iibsado hubka, inkasta oo ay suurta-gal tahay in la diiwaan-gashto hubka wax lagu ugaarsado.

AFP

XS
SM
MD
LG