Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pele oo isbitaal la dhigay


Halyeeyga kubbadda cagta ee reer Brazil, Pele, oo 80 jir ah, ayaa muddo kooban dib loogu soo celiyay qaybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaalka Albert Einstein ee magaalada Sao Paulo Jimcihii, kadib markii ay neefsashadu ku adkaatay.

Dhaqaatiirta isbitalkan oo bishii hore qalliin ku sameeyay ayaa sheegay in hadda xaalka Pele uu degganyahay.

Isbitaalkan ayaa sheegay in dib ugu soo celinta qeybta degdegga ah ay ahey “tallaabo ka-hortag ah” oo ku-meelgaar aheyd, waxaana dhaqaatiirtu intaa ku dareen in Pele markii dambe loo wareejiyay qeybta caadiga ah, maadaama uu sidoo kale ka soo kabanayo qalliin buro xiidmaha ah.

"Wadnihiisa iyo neefsashadiisu hadda waa xassiloonyihiin" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay isbitaalkan.

Warkan ayaa soo baxay waxyar kadib markii gabadha uu dhalay Pele oo lagu magacaabo Kely Nascimento ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka sawir iyada iyo aabaheed oo ku jira isbitaalka, iyadoo dooneysay in muuuqaalkan uu farxad geliyo taageerayaashiisa.

Pele oo ay dad badani u aqoonsan yihiin inuu yahay ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa kubadda cagta, ayaa caafimaadkiisu aad u liitay sannadihii u dambeeyey, waxaana uu isbitaalka ugu jiraan xaalado kala duwan.

XS
SM
MD
LG