Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Canada oo xiray rag ku eedeysan dilka wiil Soomaali ah


Canada Flag
Canada Flag

Booliska magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa xiray laba eedeysane oo lala xiriirinayo dilka Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Abiikar oo 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi.

Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka.

Maxamed Yuusuf oo ahaa reer Toronto ayaa marka la dilayay fasax ahaan u joogay maaalada Winnipeg.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrinkan ka wareystay Yaasiin Abiikar Cali oo adeer u ah Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa kasoo cusboonaaday kiiska marxuumka.

Booliska Canada oo xiray rag ku eedeysan dilka wiil Soomaali ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00


XS
SM
MD
LG