Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii Algeria Abdelaziz Bouteflika oo Geeriyooday


 Abdelaziz Bouteflika
Abdelaziz Bouteflika

Madaxweynihii hore ee dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa Jimcihii shalay geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 84 sano jir, waxaana dhimashadiisu ay timid in ka badan laba sano kaddib markii uu is casilay ka dib cadaadis uga yimid dibadbaxayaal careyan iyo ciidanka millatariga.

Bouteflika, oo ahaa halyeey usoo dagaallamay xurriyada dalkiisa ayaa xukumayay dalkaasi ku yaalla waqooyiga Africa in ka badan 20 sano, ka hor inta aanan lagu qasbin in uu xilka ka dago bishii April ee sannadkii 2019-kii.

Dhanka kalana, waddanka Algeria deriska la ah ee Tunisia, boqollaal qof ayaa Sabtidii maanta isugu soo baxay si ay uga mudaaharaadaan madaxweynaha dalkaasi Qays Saciid oo dhawaan kaligiis isku koobay awooddii waddanka, taasoo keentay qalalaaso dhinaca dastuurka ah.

Dhinaca galbeed ee Afirkana, kooxda millatari ee xoogga ku qabsaday talada dalka Guinea ayaa sheegay in aysan aqbali doonin cadaadiska uga imanaya madaxda gobolka oo doonaya in milatarigu sii daayaan madaxweynihi la afgnabiyay Alpha Conde kaddibna uu dalka ka baxo.

Jimcihii, madaxweynayaasha Ivory Coast iyo Ghana Alassane Ouattara iyo Nana Akufo-Addo ayaa caasimadda Conakry ku tagay booqasho hal maalin ah, iyagoo ku dalbaday hogaamiyaasha milatariga in ay madaxweynaha u ogolaadaan in uu dalka ka baxo.

XS
SM
MD
LG