Ugu yaraan 50 ka kala tirsan fallaagada iyo ciidamo taageersan dowladda oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay gobolka Al-Bayda ee bartamaha Yemen, sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen AFP Khamiistii.
Sarkaal ka tirsan ciidmada dowladda ayaa sheegay in Gaashaanle Sare iyo 19 kale oo ka tirsan ciidanka dowladda la dilay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kaddib markii dagaal ay kula galeen xoogagga Xuutiyiinta degmada Al-Bayda.
Waxa uu sarkaas sheegay in 30 ka mid ah fallaagada Xuutiyiinta ay ku dileen duqeymo dhinaca cirka ah.
Xuutiyiinta ayaa marar dhif ah sheega khasaaraha ka soo gaara dagaalka Yemen, waxaana tirooyinka khasaaraha soo gaaray xaqiijiyay ilo kale oo milateri.
Fallaagada ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay horumar ka sameeyay dagaalka gobolka Al-Bayda, iyagoo sidoo kale u dagaallamaya gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Ma'rib ee waqootiga Yemen.
Dagaalka Ma'rib ayaa sidoo kale sare u qaaday cabsida laga qabo masiibo bani’aadanimo, maadaama dad badan oo Yemeniyiin ah ay u qaxeen aaggaas, si ay uga baxsadaan dagaalada ka socda qeybaha kale ee dalka.
Facebook Forum