MINNEAPOLIS —
Maxkamadda sare ee gobolka Minnesota, ayaa laashay xukunkii darajada saddexaad ahaa ee lagu xukumay, laguna fuliyay Maxamed Nuur ahaa sarkaal Soomaali ah oo ka tirsan ciidanka booliiska magaalada Minneapolis.
Sarkaalkan, Maxamed Nuur ayaa lagu xukumay labbo dambi oo kala ah dil darajadda labbaad ah iyo dil darajadda saddexaad, oo lala xiriirinayo toogashii uu ku dilay isaga oo shaqo ku jira haweenayda Justine Damond sanadkii 2017.
Haddana muxuu ka dhigan yahay xukunka hore u dhacay ee ay laashey Maxkamadda Sare?
Wariyaha VOA Maxamuud Mascadde ayaa ka wareystey Garyaqaan Aamin Haarun oo ka howlgala magaalada Minneapolis.