Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qatar oo bixisay digniin la xiriirta maamulka garoonka diyaaradaha Kabul


Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani
Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani

Qatar ayaa Talaadadii ka digtay inaysan qaadan doonin mas’uuliyadda maamulka garoonka diyaaradaha Kabul, haddii aan la helin heshiisyo cad oo lala galo dhammaan dhinacyada ku lugta leh, oo ay ku jirto Taalibaan.

Qatar oo muhiim u aheyd heshiiskii Mareykanka uu kaga baxay Afghanistan, ayaa xiriir la leh maamulka cusub ee Taalibaan, waxayna ka taageertaa howlgallada garoonka.

“Waxaan u baahannahay inaan xaqiijino in wax walba wax looga qabto si cad, haddii kale ma qaadan doonno mas’uuliyadda garoonka,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani oo shir jaraa’id qabtay.

“Waxaa jira suurta-galnimada wada-shaqeyn aan la yeelano dalalka qaar haddii loo baahdo, balse iminka wada-hadallada waxay u dhaxeeyaan anaga, Turkey iyo Taalibaan,” ayuu yiri.

Tan iyo markii ay baxeen ciidamada Mareykanka, diyaaradaha shirkadda Qatar Airways ayaa dhowr jeer tegay Kabul, ayaga oo geeyey gargaar iyo wakiilo ka socday Doha, sidoo kalena kasoo qaaday ajaaniib.

Sidoo kale, diyaarad ay leedahay shirkadda Pakistan International Airlines ayaa Isniintii tagtay Kabul, ayada oo sameysay duulimaadkeedii ugu horreeyey ee Kabul, tan iyo markii ay baxeen Mareykanka.

Waxay kadib kasoo qaaday 70 qof oo badankood ahaa ehellada shaqaale Afgaaniyiin ah oo u shaqeeya hay’ado caalami ah.

Shirkadda diyaaradaha Afghanistan ayaa sameysay duulimaadyo gudaha oo maalinle ah, hase yeeshee ma jiraan duulimaadyo kale oo caalami ah oo taga garoonka.

AFP

XS
SM
MD
LG