Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin ku saabsan cod-bixiyayaasha Soomaalida ee doorashada Canada


Toddobaad ka yar ayaa ka harsan doorashada guud ee dalka Canada oo loo dareeri doonaa 20-ka bishan, malaayiin qof ayaa ka qeybgalaya doorashada xildhibaannada baarlamanka federaalka, iyadoo hoggaamiyaha xisbiga hela kuraasta ugu badan ayaa noqon doona Ra'iisul Wasaaraha afarta sano ee soo socota.

Waxaa jirtay ilaa afar maalin oo ay dadka si hordhac ah u codeynayeen, waxaana Soomaali badan oo ay ku jiraan kuwa markii ugu horreysay codeynaya ay dhiibteen codkooda.

Wariyaha VOA ee dalka Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan Toronto ka soo diray.

Warbixin ku saabsan kaalinta Soomaalida ee doorashada Canada
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00


XS
SM
MD
LG