Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isul Wasaaraha Haiti oo lagu eedeeyay ku lug lahaansha dilkii madaxweyne Jovenel Moise


Dacwad-oogaha guud ee Haiti ayaa ka dalbaday garsooraha gacanta ku haya kiiska dilkii madaxweynihi hore ee dalka Haiti Jovenel Moise inuu Ra'isul Wasaaraha dalkaasi Ariel Henry kusoo oogo dacwad ah ku lug lahaashaha khaarijinti madaxweynahii Haiti.

Dacwad-oogaha ayaa sidoo kale ku amray waaxda socdaalka in aysan u oggolaan Ra'isul Wasaaraha inuu dalka ka baxo.

Warqad uu u qoray garsoore Garry Orelien, ayuu dacwad-oogaha sare Bed-Ford Claude ku sheegay, in baaritaan lagu sameeyay telefoonka Ra'isul Wasaaraha uu muujiyay, in laba jeer uu la hadlay nin ka mid ah eedeysanayaasha habeenki 7-da bishii July oo aheyd marki uu dhacay shiqroolkii lagu dilay madaxweynaha.

Qofka la tuhunsanyahay ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa waaxda caddaaladda, kaas oo uu Ra'isul Wasaaruhu si cad uga difaacay in la xiro kahor inta uusan baxsan.

Ra'isul Wasaaraha Haiti iyo xafiiskiisa ayaan wali ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyay.

Madaxweynihi hore ee Haiti Moise ayaa lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, kaddib marki ay weerareen koox calooshood u shaqeystayaal ajnabi ahaa.

XS
SM
MD
LG