Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka soo kabanaya ‘saddex caqabadood’


Bankiga Dhexe
Bankiga Dhexe

Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu dib uga soo kabanayaa “caqabado saddex-geesood ah” oo dalka ku habsatay sannadkii 2020, kuwaas oo kala ah; masiibada xannuunka COVID-19, fatahaad aad u daran, iyo ayaxa, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bankiga Adduunka.

“Kobaca dhanka wax-soo-saarka dhabta ah ayaa la saadaalinayaa 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021. Dardar-kororkan ayaa la filayaa inuu sii socdo muddada dhexe oo uu gaaro heerarka uu taagnaa ka hor xannuunka COVID-19 oo ah 3.2 boqolkiiba sannadka 2023,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixintii ugu danbaysay ee Bangiga Adduunka kasoo saaray Soomaaliya ayaa ku warramaysa in dhaqaaluhu hoos u dhacay 0.4 boqolkiiba sannadkii 2020, taas oo ka yara hooseysa 1.5 boqolkiiba hoos u dhicii la saadaaliyay bilowga cudurka dunida aafeeyay ee Corona.

“Qulqulka gargaarka oo ka badan kii la filayay, tallaabooyinka siyaasadda maaliyadda oo ay dejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo caawiyo ganacsiyada, tallaabooyinka ilaalinta bulshada ee lagu kaabayo qoysaska nugul, iyo kororka lacagta xawaaladaha lasoo marsiiyo ayaa yareeyay saameynta xun ee la filayey inay reebaan saddexda caqabadood,” ayey tiri warbixinta.

Warbixinta Bankiga Adduunka waxay sidoo kale xustay in carqaladaha ka dhashay tallaabooyinka lagu xakamaynayo COVID-19 ay yareeyeen ururinta dakhliga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada halka uu kordhay cadaadiska ah in kharash badan lagu bixiyo caafimaadka iyo gargaarka musiibada.

“Kordhinta ballaaran ee deeqaha dibadda ayaa u suurtogelisay dowladda federaalka inay billowdo isku -dheelitiridda kharashaadka dadweynaha ee xagga adeegyada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo inay siiso lacag barnaamijyo cusub oo dhanka arrimaha bulshada la xiriira iyo mashaariic wax looga qabanayo xaaladaha degdeg ah si loo kordhiyo adkeysiga.”

“Iyadoo ay Soomaaliya ku hawlan tahay wadadii dib-uga-soo-kabashada saddex-jug dhaqaale, wax ka qabashada siyaasadaha kor u qaadista wax-soo-saarka, abuurista shaqooyinka iyo ballaarinta barnaamijyada lagu kaabayo danyarta ayaa muhiim u ah,” ayay tiri Kristina Svensson, Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

"Abuurista shaqooyin iyo hubinta in kuwa ugu nugul dadka la taageero inta lagy guda jiro xaaladaha xasaradaha leh ayay tahay inay noqoto xuddunta ficilka siyaasadda iyo wax ka qabashada ay bixinayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay."

“Wax-ka -qabadyada lagu hagaajinayo jawiga maalgashiga, laguna dhiirri -gelinayo habeynta ganacsiyada si loo soo jiito maalgashiyo gaar loo leeyahay waxaa ka mid tahay tallaabooyin dib-u-habayn diiradda lagu saarayo dhimista qiimaha korontada iyo hagaajinta isku halaynteeda, isku -dheelitirka tartanka shirkadaha gaarka loo leeyahay, yareynta cajaladda cas, iyo ballaarinta ka -mid noqoshada hannaanka maaliyadeed oo dadkoo dhan wada gaara.”

Warbixintu waxay si gooni ah u wajahaysaa dhanka adeegga caafimaadka. Waxay iftiiminaysaa in 30 sano oo xasilooni darro siyaasadeed ah ay ka dhigtay nidaamka adeegga caafimaadka Soomaaliya kan labaad ee ugu nugul adduunka. Faafitaanka COVID-19 waxay hoos u dhigtay adeegga caafimaadka si xoog leh, waxayna keentay in maalgelinta nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya mid u baahan tixgelin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo deg-deg ah oo aasaas u ah yareynta nuglaanta.

“Taageerada waaxda caafimaadku waa qayb muhiim u ah horumar adkaysi leh oo loo dhan yahay, waxayna maalgelinta caafimaadka u horseedaysaa Soomaaliya waddo ay ku gaari karto saami qaybsiga tirada dadka oo ka soo raysa, hagaajinta heerka cumriga dadweynaha iyo yareynta bacriminta,” ayuu yiri John Randa, oo ah Dhaqaale-yaqaanka Sare ee Bangiga Adduunka. “Maalgashiyadan waxaa loo qorsheeyay inay gacan ka geystaan hagaajinta natiijooyinka caafimaadka iyo xoojinta nidaamyada dowladda.”

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya ay tahay midda ugu weyn ee sida tooska ah u saamaysa hagaajinta horumarka aadanaha iyo kobcinta horumarka dhaqaalaha ee dalka.

Warbixintu waxay ku talineysaa ka faa’ideysiga fursadaha ka jira dhinacyada maalgelinta caafimaadka, bixinta adeegga caafimaadka iyo mas’uuliyadda si loo hagaajiyo waaxda caafimaadka Soomaaliya. Maalgelinta soo socota ee ka timaadda Bangiga Adduunka ayaa looga gol-leeyahay in lagu caawiyo Soomaaliya inay xoogga saarto waxqabadyo saamayntoodu sareyso, oo ku wajahan culayska koowaad ee cudurrada.

XS
SM
MD
LG