Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India oo ka walaacsan Kashmir kadib guushii Taalibaan


Indian Flag
Indian Flag

Hoggaamiyayaasha India ayaa si walaac leh u eegaya qabsashada Taalibaan ee Afghanistan, ayaga oo ka cabsi qaba inay u faa’iideyn karto Pakistan, islamarkaana hurin karto muqaawamonimada gobolka Kashmir ee lagu muransan yahay.

Jeneraal Deependra Singh Hooda, oo ah taliyihii hore ee militariga India ee waqooyiga intii u dhaxeysay 2014-2016, ayaa sheegay in kooxaha mintidiinta ah ee ku sugan xuduudda Pakistan “ay isku dayi doonaan inay dagaal-yahano dheeri ah kusoo riixaan” Kashmir, kadib qabsashadii Taalibaan ee Afghanistan.

Hooda ayaa sheegay inaan weli la saadaalin karin haddii qulqulka dagaal-yahanadaas ee Kashmir “ay tiri ahaan noqon karaan kuwa awooda inay abuuraan xasillooni darro,” islamarkaana horseedaan isku dhac militari.

Dalalka deriska ah ee India iyo Pakistan ayaa laba dagaal uu ku dhex-maray gobolka Kashmir oo ay kala maamulaan laba qeyb, balse ay labaduba si buuxda u sheegtaan.

Saraakiisha India ayaa ka welwelsan in Afghanistan oo ay xukumayaan Taalibaan ay noqon karto saldhig ay dagaal-yahanada Kashmir isku soo abaabulaan.

Syed Salahuddin, oo ah hoggaamiyaha isbaheysiga kooxaha mucaaradka ee Kashmir, ayaa guusha Taalibaan ugu yeeray “mid aan caadi aheyn oo taariikhi ah.”

Salahuddin, oo fadhiggiisu yahay qeybta Pakistan ay maamusho ee Kashmir, ayaa sheegay inuu rajeynayo in Taaliibaan ay gacan siin doonto dagaal-yahanada Kashmir.

“Si la mid ah, mustaqbalka India waxaa ka adkaan doono jihaadiyiinta Kashmir,” ayuu yiri.

Sanadihii tegay, carada ka taagan Kashmir ayaa sare usii kacday kadib markii dowladda India -- ee uu hoggaamiyo xisbiga midig ee Hindu-ga – ay Kashmir ka xayuubisay maqaamkii is-maamul.

Saraakiisha India ayaa hadda rumeysan in awoodda Taalibaan ay sahli karo in dagaal-yahano cusub oo la qoro iyo hub ay soo gali karaan qeybta Pakistan ee Kashmir.

AP

XS
SM
MD
LG