Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka jira 'inuu dhintay' Mullah Abdul Ghani Baradar?


Abdul Ghani Baradar
Abdul Ghani Baradar

Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay.

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa “dacaayad been abuur ah” ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa.

Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada --gaar ahaan dalka India -- halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan.

“Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay baahisay Taalibaan.

“Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqnaa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri.

“Warbaahinta waxay mar kasta daabacaan dacaayad been abuur ah. sidaas darteed, si geesinimo leh isaga diida beentaas, waxaana 100% idiin xaqiijinayaa inaysan waxba jirin, oo aan wax dhibaato ah qabin,” ayuu yiri.

Suurta-gal ma aheyn in si madax-banaan loo xaqiijiyo codka, hase yeeshee waxaa lasoo dhigay bogagga rasmiga ah ee kooxda – oo uu ku jiro midka afhayeenka xafiiska siyaasadda ee xukuumadda cusub.

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sidoo kale dhowr sano la isla dhex-marayey inuu dhintay kahor inta aanu afhayeenka kooxda sheegin “inuu ku sugan yahay Kandahar” laba toddobaad kadib markii ay qabsadeen.

Dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa xantu aheyd inuu u dhintay cudurka COVID-19, ama lagu dilay qarax.

AFP

XS
SM
MD
LG