Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu Ayman al-Zawahri ku sheegay farriinta cusub ee uu soo diray?


Hoggaamiyaha Al-Qaida Ayman al-Zawahri ayaa ka soo muuqday muuqaal cusub oo lagu xusayay sanad guurada 20-aad ee weerarradii 11 September bilo ka dib markii ay faafayeen warar sheegaya in uu dhintay.

Kooxda The SITE Intelligence Group ee la socota mareegyada kooxaha jihaadiyiinta ayaa sheegtay in muuqaalkan la baahiyay Sabtidii. Muuqaalka ayuu Zawahiri ku sheegay sida uu hadalka u dhigay in “Quddus aan waligeed la Yuhuudiyeyn doonin,” wuxuuna ammaanay weerarrada al-Qaacida oo uu ku jiro mid bishii Jannaayo lagu bartilmaameedsaday ciidamada Russia ee ku sugan Syria.

SITE ayaa warisay in al-Zawahri uu xusay ka bixista ciidadama Mareykanka ee Afghanistan 20 sano ka dib. Waxa ay kooxdu intaa ku dartay in hadalkiisani uusan caddeyn u ahayn in uu muuqaalkani yahay mid cusub maadaama ka bixista ciidadamada Mareykanka uu ka mid ahaa heshiiskii bishii Febraayo ee 2020-kii ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Taliban.

Al-Zawahri ayaan ka hadlin qabsashada Taliban ee Afghanistan iyo caasimadda Kabul ee bishii hore, laakin waxa uu xusay weerar 1-dii Jannaayo ee sanadkan lagu weeraray ciidamada Russia ee ku sugan magaalada Raqqa ee waqooyiga Syria.

Warar hoose oo soo baxayay ilaa dhammaadkii 2020-kii ayaa sheegayay in al-Zawahri uu u dhintay xanuun. Illaa waqtigaa ma jirin muuqaal ama caddeyn tilmaameysa inuu nool yahay illaa Sabtidii shalay.

XS
SM
MD
LG