Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: Mareykanka oo ku baaqay xabbad-joojin shuruud la'aan ah


Dowladda Mareykanka ayaa mar kale sheegtay in ay si aada ah uga walwalsan tahay dagaallada ka socda qeybo ka mid ah dalka Ethiopia, islamarkaana ku boorrisay dowladda iyo xoogagga mucaaridka ee ka soo jeeda gobolka Tigray in ay si deg deg ah u billaabaan wadahadallo colaadda lagu joojinayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa bayaan uu Jimcihii soo saaray ku sheegay in ay ugu baaqayaan dowladda Ethiopia iyo jabhadda TPLF in ay si shuruud la’aan ah ku billaabaan wadaxaajood si loo helo xabbad-joojin waarta.

Bayaanka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay gabood-fallada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee la sheegay in ay ka dhaceen gobolka Amxaarada.

Dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in malleeshiyo ka tirsan jabhadda TPLF ay todobaadkan ku dileen qeybo ka mid ah gobolka Amxaarada ugu yaraan 120 qof oo rayid ah. TPLF ayaa beenisay warkaasi.

Tan iyo inti uu billowday dagaalka sokeeye ee Ethiopia bishii November ee sannadkii hore, boqollaal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay halka tobannaan kun oo ruuxna ay ku qaxeen ama ku barakaceen dagaalka.

XS
SM
MD
LG