Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo laga xusay 20-guurada weeraradii argagixiso ee September 11


9-11 New York
9-11 New York

Dadka iyo Dowladda Mareykanka ayaa xusaya 20-sano guuradii ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee maanta oo kale 11-kii September ee sannadki 2001-dii lagu qaaday magaalooyinka New York iyo Washington.

Weerarkaasi oo ay fulisay kooxda argagixisada ah ee Al Qaeda ayaa noqday kii ugu xumaa ee noociisa oo kale ah ee ka dhaca dunida, taariikhdan casriga ah, waxana ku dhintay 2,996 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ka hadlay xuska munaasabaddan ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka midnimo. Maanta ayaa lagu wadaa in uu booqdo halkii ay ku ooli jireen labadii daarood ee mataanaha ahaa ee ahaa xaruntii ganacsiga aduunka ee magaalada New York. Sidoo kale, waxa uu booqan doonaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee ku taalla waqooyiga gobolka Virginia.

Dhammaan xarumahaasi ayaa waxaa lagu weeraray diyaarado ganancsi oo ay laheyd shirkadda American Airlines ee Mareykanka.

Weeraradii September 11 ayaa waxaa xigay dagaal uu Mareykanka ku qaaday dalka Afghanistan, kaas oo qaatay 19 sano, 10 bilood, saddex todobaad iyo laba maalin.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in Mareykanka ay dalka Afghanistan uga dhinteen 2,325 oo askari. Cidna ma oga tirada saxda ee dadka rayidka ah ee lagu dilay dagaalkii Afghanistan.

XS
SM
MD
LG