Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buhari oo booqday gobol muddo dheer madax-bannaani ka doonayay Nigeria


Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa khamiistii booqday gobolka Imo, oo ku yaal koonfur-bari ee dalkaas, kaas oo ah hoyga qowmiyadda Igbo, sal-dhigna u ahaa kooxda la mamnuucay ee uu hoggaamin jiray Nnamdi Kanu ee Biafta, taas oo aheyd dhaq-dhaq raadinayay madax-bannaanida qowmiyaddaas.

Kanu ayaa la xiray bishii July ee sanadkan waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta argagixisanimo iyo dambiyo khiyaano qaran ah, iyo eedeymo kale.


Garba Shehu, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Buhari ee dhanka warbaahinta iyo hanuuninta dadweynaha, ayaa u sheegay wariyaha VOA-da James Butty in madaxweynuhu soo gaarsiiyey farriin ah midnimada Nigeria.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Buhari uu ka codsaday dadka Igbo inay aqbalaan muwaadinimadooda Nigeria, maadaama dhaqaalaha Nigeria oo dhan uu ku jiro gacantooda, ayna sidoo kale deganyihiin meel kasta oo dalka ah.

Shehu ayaa intaa ku daray in madaxweyne Buhari uu soo furayay mashaariic waaweyn oo horumarineed oo dowladda dhexe ee Nigeria ka fulineyso gobolkaas, kaddibna uu la kulmay hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo bulshada gobolkaas.

Inti uu safarkiisa ku jiray madaxweyne Buhari, ma soo hadal qaadin arrinta maxaabiista ka soo jeedda gobolkaas oo ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee gadoodka qowmiyaddaas, waxaana Garba Shehu uu sheegay in Nigeria ay leedahay nidaam caddaladeed oo ka mada-bannaan madaxweynaha, go'aanna ka gaari doonta kiisaska maxaabiistaas.

XS
SM
MD
LG