Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada TPLF oo lagu eedeyay inay dileen 120 qof oo rayid ah


Xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa 120 qof oo rayid ah ku dilay tuulo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Itoobiya, sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Reuters Arbacadii.

Dilkan oo ka dhacay tuulo 10 km u jirta magaalada Dabat ayaa dhacay 1-dii iyo 2 -dii Sebtembar, sida uu sheegay Sewnet Wubalem, oo ah maamulaha deegaanka ee Dabat.

"Ilaa hadda waxaan soo helnay 120 meyd. Dhammaantood waxay ahaayeen beeraley aan waxba galabsan. Laakiin waxaan u maleyneynaa in laga yaabo in tiradu intaas ka badan tahay. Waxaa jira dad la la'yahay," ayuu yiri Sewnet, oo ah maamulaha deegaanka, oo kładka telefoonka ugu warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Chalachew Dagnew oo ah afhayeenka magaalada u dhow ee Gondar ayaa sheegay inuu booqday goob lagu aasayay dadka la dilay, kuwaas oo uu sheegay inay ku jireen carruur, haween iyo waayeel.

Ciidamada Tigreega ayaa markii dambe soo saaray bayaan ay ku diidayaan wax ay ugu yeereen “eedeyn la been abuuray” oo ka timid dowlad deegaanka Amxaarada, waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen dilka dadka rayidka ah.

Waa warbixintii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo ay ciidamada Tigreegu ku laayaan dad badan oo rayid ah tan iyo markii ay qabsadeen dhulka Amxaarada. Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii gobolkaas.

Reuters

XS
SM
MD
LG